Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Dowladda

Bulsha:- Wiil Dhalinyaro ah kana tirsanaa Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cusmaan Cabdi Kuusow ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa Al-Shabaab ku jirey 6 sano isagoona uqaabilsanaa dagaalada, wuxuna ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab ugu baaqey in ay isku soo dhiiban Dowladda isagoona intaas ku darey in Maanta Al-Shhabaab ay san ajeyn kuwa laga sii mid ahaado.

Shalay ayay aheyd markii Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabab u isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment