Dowladda Imaaraadka Carabta oo diyaarad Sida gargaar soo gaarsiisay Muqdisho

Bulsha:- Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dejisay Macaawino gaareysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyinka nuucyadeeda kala gedisan.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde haatan ku sugan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Dalka Khadiijo Maxamed diiriye iyo wasiiro kale, si ay ula wareegaan Macaawinada.

Imaaraadka Carabta ayaa horay u ballanqaaday In ka qeyb qaadanayaan samatar bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta daran ku yeelatay abaarta dan ee ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gurmadkaan ay dowladda Imaaraadka Carabta soo gaarsiisay Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafkii soo kala dhexgalay Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowr sano ka hor joojisay howlihii ay ka waday Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment