Sirdoonka Israa’iil oo xabsiga u taxaabay haween u basaasayey Iran

Bulsha:-  Sirdoonka Israa’iil ee ShinBet ayaa xabsiga dhigay shan qof oo dalkaas u dhashay kuwaasoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen cadawgeeda soo jireenka ah ee Iran.

Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh afar dumar ah Yuhuud ah oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, kuwaasoo ShinBet ay sheegeen inuu shaqaaleysiiyay maamule sheeganaya inuu yahay Yuhuudi oo ku nool Iran.

Haweenkan ayaa la sheegay in la siiyay lacag kumanaan dollar ah si ay sawirro uga qaadaan goobo xasaasi ah, ayna ula socdaan sida ay u socdaan howlaha amniga, iyo in ay xiriir la sameeyaan siyaasiyiinta.

Qareenada u doodaya haweenkan ayaa sheegay inaysan garaneyn in ninkaasi uu yahay nin Iran u dhashay iyo in kale.

Laakiin ShinBet ayaa sheegtay in tani ay tahay kiis halis ah oo uu jiray qorshe la doonayay in lagu sameeyo shabakad basaasiin oo Iran ah oo ka hawlgasha gudaha Israa’iil “.


Rambood Namdar, ayaa la sheegay inuu dumarka kula xiriiray Facebook ka dibna wuxuuna muddo dhawr sano ah isaga isticmaalaya sida oo kale adeegga fariimaha qarsoon ee WhatsApp.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment