Sawirro:- Ciidanka Gorgor oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidanka gaarka ah ee Kumaandoska Gorgor ayaa howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan  gobolka Shabeellaha hoose oo ay dhaqdhaqaaqyo la wadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Howgalka ayay ciidamadu ka sameeyeen degaannada kala ah, Bariire, Tooratoorow, Mubaarak, Shaam-garre iyo Jowhar-yarey, kuwaasoo hoostaga degmadda Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandoska Gorgor Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa intaas ku daray inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.


“Meelaha qaarkood iska caabin aan sidaa u weyneyn ayaan kala kulanay, khasaare ayaana gaaray caddowga, anaga ciidankeena waa bad qabaan, weyna sii soconayaan howlgalada” ayuu intaas ku daray G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment