Israel oo taageero u yaboohday Imaaraadka kadib weerarkii Abu Dhabi

Bulsha:- Israel ayaa Imaaraadka Carabta u yaboohday taageero amni iyo mid sirdoon oo ka dhan ah weeraro kale oo lagu qaado kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen Abu Dhabi, waxaa sidaa lagu sheegay warqad kasoo baxday ra’iisul wasaaraha Israel.

Saddex qof ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay Isniintii kadib markii saddex booyad oo shidaal ah ay ku qarxeen caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi.

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxda ay “tiro ballaaran” oo ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka iyo shan gantaal oo ballistic ah ay u adeegsadeen weerarka.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa weerarka ku cambaareeyey twitter-ka isaga oo ugu yeeray “Weerar Argagixiso oo loo adeegsaday drone.”

Afhayeenkiisa ayaa goor dambe soo saaray warqad tacsi ah oo uu Isniintii u diray hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka, ahna dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan kuu yaboohno taageero amni iyo mid sirdoon si aan kaaga caawino inaad shacabkaaga ka badbaadiso weeraradan oo kale,” ayuu Bennett ku qoray warqadda.

“Waxaan ku amray hay’adaha ammaanka Israel inay dhiggooda Imaaraadka Carabta siiyaan kaalmo, haddii aad dooneysaan.”

Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa heshiis uu garwadeen ka ahaa Mareykanka waxay Aqalka Cad kula saxiixdeen Israel 2020, si ay u aas-aasaan xiriir diblomaasiyadeed. Labadan dal ee Khaliijka iyo Israel ayaa Iran u arka cadowgooda guud.

“Israel waxaa ka go’an inay si dhow idiin kala shaqeyso dagaalka aad kula jirtaan xoogagga xagjiriinta ah ee gobolka, waxaana sii wadi doonnaa inaan saaxiib idin kula ahaano ka guuleysashada cadowgeena guud,” ayuu Bennett ku yiri warqadda uu u qoray Sheikh Mohammed.

Bennett iyo Sheikh Mohammed ayaa wada-hadallo ku yeeshay Abu Dhabi bishii December 2021, taasi oo aheyd kulankii ugu horreeyey ee shaacsan ee dhex-mara labada nin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment