Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Sacuudiga

Bulsha:- Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga MmAxmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.


Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam Dagaal.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment