Farmaajo oo Bankiga Dhexe amray in lacagtii laga qabtay Imaaraadka aan la bixin karin

Bulsha:- Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka ee galabta uu Ra’iisul Wasaare Rooble balan qaaday in xukuumadiisu ay dib ugu celinayso.

Farmaajo oo fariintaan ku socodsiiyey guddoomiyahaBangiga Dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagtaas sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo geliyey 8-dii bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.


“Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hanaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Farmaajo soo saaray caawa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment