Dowladda federaalka oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray QM iyo AMISOM ee Aadan Cadde

Bulsha:- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka noqotay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka gaarka ah MOVCON ee garoonka  diyaaradaha Aadan Cadde, isla-markaana ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka, sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya ee laga helayo garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirk Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON, kaas oo ay fuliyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa waxa ay ku timid, kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyiinta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wada-hadlay xayiraadda la soo rogay oo ay horay uga horyimaadeen QM iyo AMISOM.

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow hay’adda duulista rayidka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyey in la fasaxay terminalka, isla-markaana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.

Amarka lagu xiray terminal-kan waxaa horey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaacisay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn QM iyo AMISOM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah

Go’aanka ay dib ugu fasaxday xukuumadda Rooble isticmaalka terminal-ka gaarka ah MOVCON ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu khilaaf horleh ka dhashay talaabadii uu qaaday Rooble ee ku aadan dib u celinta lacagtii lagala wareegay Imaaraadka.

Si kastaba wasiirada soo saaray amarka xirista iyo midka furista ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah Farmaaj iyo Rooble oo haatan isku hayo doorashooyinka dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment