Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya

Bulsha:- Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters Arbacadii.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in "dareenkiisa xilkasnimo" uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, ka dib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.




Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ahaa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment