Dowladda Mareykanka oo madaxda DF u qabtay 45 cisho kadibna qaadaya tallaabo xasaasi ah

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya, oo aan lasoo gaba-gebeyn kahor 25-ka Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey go’aanka ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen in doorashada Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka Febraayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price. 

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirkoodii Muqdisho ku heshiiyey inay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhameystiraan 45 cisho oo ka billaabata 15-ka Janaayo, kuna eg 25-ka Febraayo. 


Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo marar badan lagu eedeeyey inuu yahay caqabadda doorashada dalka, isaga oo madax goboleedyada ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskaas.

Farmaajo oo khudbad jeediyey habeen hore, ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu cadaadis kala kulmay Mareykanka si uu taageero ugu muujiyey heshiiska cusub ee doorashada. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment