Dooli/Jiir Dunidda caan ka ahaa kuna guuleestay Abaal marin oo maanta geeriyooday

Bulsha:- Dooli ama jiir dunidda caan ka ahaa kuna guuleestay abaal marin qaali ah ayaa maanta geeriyooday isaga oo 8-sano jir ah, waxaana geerida dooligan si weyn u hadal haya warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer.

Dooligan geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Apopo Siciid Magawa , ayaa caan ku ahaa baarista miinooyinka halista, waxa uuna hormuud u noqday in lasoo saaro miinooyin badan oo la aasay .

Warbaahinta caalamka ayaa ku warantay in dooligan oo lagu soo tababaray dalka Biljamka uu ku guuleestay in lasoo saaro ilaa 100-miino oo la aasay, waxaana miinooyinkaasi badankood laga soo saaray dalka Kaamboodiya .


Dooligan oo laga lahaa dalka Tanzaaniya ayaa ahaa mid caan ka ah dalkaasi si weyna loo tixgaliyo, waxaana dooligan la sheegay in mudooyinkan uu xaalkiisa wanaagsanaa balse maalmihii ugu dambeeyay xoogaa xanuuno yar yar lasoo darseen.

Ha’yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay dooligan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia.

Dooligan geeriyooday ayaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment