Australia oo u soo jeedisay Yurub inay siiso gaaska dabiiciga haddii Ruushku joojiyo

Bulsha:- Dawladda Australia ayaa dalalka reer Yurub u soo jeedisay inay siiso gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, haddii Ruushku uu go’aansado inuu jaro gaaskiisa, xiisada Ukraine darteed.

Xilli ay sii kordheyso xiisadda la xiriirta dalka Ukraine ee u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka ayaa waxa sii kordhaya cabsida laga qabo in Moscow ay yareyso ama ay joojiso gaaska ay siiso Yurub.

Dalalka Midowga Yurub ayaa haddaba uu gaasku ku yar yahay, ka dib markii la dabciyey xayiraadihii xanuunka COVID-19, arrintaas oo dalab badan oo gaaska ah abuurtay. M. Yurub ayaa saddex meeloodow hal meel Ruushka ka hela gaaska uu u baahan yahay, waxana uu u baahnaan karaa ilo kale, xilli ay cabsida ah in Ruushku uu Ukraine ku duullo ay aad u sii kordhayso.

Australia waa mid ka mid ah dalalka ugu waxsoosaarka badan dunida ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, kaas oo loo soo gaabiyo LNG, waxayna diyaar u tahay inay kor u qaaddo u dhoofinta gaaskan ee dalaka Yurub.


Wasiirka Ganacsiga ee dalkaas Dan Tehan ayaa haddal uu Khamiistii shalay soo saaray ku yiri “Australia waxay diyaar u ahayd in saaxiibadeenna iyo xulufadeenna aan ka taageeerno caqabadaha iyo jawiga adag oo dhinaca geo-istaraatijiyadda.”










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment