Afrika:- Mooshin ka dhan ah Israel oo la horgeynayo Shirka Midowga Africa

Bulsha:- Midowga Afrika ayaa toddobaadka soo socda u codayn doona in lagala noqdo maqaamkii goobjoogenimo ee Israa’iil, inkastoo aysan caddayn in aqlabiyadda ay taageersan yihiin.

Dublamaasiyiinta Aljeeriya ee hormuudka ka ah mooshinka ayaa u sheegay Al-Araby Al-Jadeed in “guul” ay tahay in la helo “ajandaha ugu sarreeya” ee shir madaxeedka Sabtida soo socota ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waddamada waaweyn ee Afrika, gaar ahaan Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Afrika, ayaa ku biiray dadaallada lagu doonayo in Israa’il loogala noqdo Xubintooda Korjoogtanimo.

Israa’iil ayaa dib loogu celiyay xubinimada 55-ta waddan ee Midowga Afrika si ay goobjooge uga noqoto July 2021, go’aan uu ku dhawaaqay Moussa Faki Mahamat, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Arrintan ayaa timid 19 sano kaddib markii Israa’iil xilka looga tuuray cadaadis uga yimid hoggaamiyihii Liibiya ee xilligaas Mucamar Al-Qadaafi.

Algeria ayaa la wareegtay doorkii taariikhiga ahaa ee Liibiya ee ka soo horjeeday xubinimada Israa’iil, waxaana dublamaasiyiinteeda ay Al-Araby Al-Jadeed u sheegeen inay weli ku hawlan yihiin sidii ay codbixintu u dhici lahayd.


Israa’iil waxay xiriir diblomaasiyadeed la leedahay inta badan waddamada Afrika, laakiin qaar ka mid ah, sida Koonfur Afrika, Nigeria iyo Masar, ayaa la sheegay inay taageerayaan hindisaha Aljeeriya hormuudka ka tahay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment