Yoweri Museveni Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bixiyey macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadii khasaaraha geystay ee dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heleen caddeymo ku aadan weeraradaas iyo inay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya.

“Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli laamaha ammaanka ay daba-gal iyo baaris ku hayaan ragga soo qorsheeyey weeraradaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad rayid ah.


Kampala ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyey, waxaana Uganda ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment