Rooble oo codsi lama filaan ah u gudbisay Imaaraadka xilli xiriirkoodu xunyahay

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada-hadallo naadir ah Muqdisho kula yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wada-hadallada ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo aad xumaa sanadihii dhowaa, tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble, ra’iisul wasaaraha ayaa dowladda Imaaraadka kala hadlay sidii ay qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollo badan oo dal ka mid ah.

Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan kulanka. Sidoo kale safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho weli wax war ah kama soo saarin kulankan.

Codsiga Soomaaliya ayaa imanaya xilli xiriirka labada dal aad u xun yahay, kadib markii Muqdisho ay go’aansatay inay xiriirka u goyso Imaaraadka Carabta, kana doorbiday xiriirka Qatar oo ay xifaaltamaan dalkan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan horay loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah.

Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya kadib markii uu aad u xumaaday xiriirka labada dhinac.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo ku yaallay Muqdisho laguna magacaabo Sheikh Zayed Hospital.


Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment