Villa Soomaaliya oo muqaalo dukumentiri ah la wadaagtay Turkiga

Bulsha:- Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa Xarunta Guud ee Warfaafinta Madaxtooyada Dalka Turkiga ee Ankara waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa Warfaafinta Dalka aan Walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Fahrettin Altun.

Labada Agaasime ayaa ka wada hadlay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta heer Madaxtooyo ee labada dal, tayaynta iyo horumarinta wacyiga weriyeyaasha ee xilliga doorasha, iyaga oo isla meel dhigay qorsheyaal kor loogu qaadayo cilaaqaadka ku dhisan walaalnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.


Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga muuqaallo Dokumenteri ah oo uu diyaariyey Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia, kuna tarjuman afka Turkiga, oo ku saabsan toban sano guurada dib-u-curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. muuqaalka filimkan ayaa la qorshaynayaa in lagu baahiyo warbaahinta dalka Turkiga.


Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kaga qayb galay Shirweynaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta, isaga oo ku bogaadiyey Mudane Fahrettin Altun doorka hoggaamineed ee uu qaatay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment