Saciid Deni oo shaaciyey inuu go’aan ka gaaray waxa uu ka yeelayo ciidanka gadooday

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in maamulkiisa uu go’aan ku gaaray in la ciribtiro ciidamada iyo Hay’adaha sida gaarka ah u hoostaga shaqsiyaad gaar ah.

Deni ayaa tilmaamay in dhibaato weyn ay ka dhalaneyso marka ciidamada iyo Hay’adaha ay maamulayaan qoys ama shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas ay kamid tahay in danaha dadkaan ay ka hormariyaan tan guud, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkaan hal dowlad ayuu yeelanayaa, Hal ciidan ayuu yeelanayaa oo ma aqbali karno ciidamo rag leeyihiin, markii aan imaanayay waxa aan maqlayay nin weliba 2% ayuu dakhliga ku leeyahay, Maalintii ugu horreysay ayaan ka taqalusnay, ciidamo hebel leeyihiin dabayaaqadooda ayaa socda,” ayuu yiri Deni.

Saciid Deni ayaa ku faanay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay dhibaato uu sheegay inay ka taagneyd waqooyiga Gaalkacyo, taasoo uu sheegay inay wax ka qaban waayeen maamuladii isaga ka horreeyey.

“Waxa aan Gaalkacyo tagnay iyada oo 30 wiil magaaladii oo dhan ciroole iyo caamo ay baryayaan, waxa aan wax ku qabsan karnaa waa sharci oo haddii la waayo ay u dhumeyso awoodda dowladda, dadka maamulka gacanta ku haya waxa aan ku wargelinayaa in aysan dadka ku takrifalin,” ayuu yiri Deni.

Hadalka madaxweynaha Puntland Saciiid Deni ayaa kusoo aadayo xilli uu khilaaf weyn kala dhaxeeyo hoggaankii hore ciidamada PSF ee uu xilka ka qaaday, kaasoo ka dhashay diidamada xil ka-qaadis uu ku sameeyey taliyaha ciidamadaas.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, taas oo u dhexeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo saraakiisha ciidamada PSF-ta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaq horleh xalay iyo saaka laga dareemay magaalada, taas oo ay wadaan ciidamada labada dhinac.


Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qoysaska qaar ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii sii korortay cabsida laga qabo in dagaal uu ka qarxuo halkaasi.

Xaaladda ayaa kasii dartay markii Deni uu ciidamo horleh ku daabulay gudaha Boosaaso, halka dhankooda ay dhuufeyso magaalada ka dhexe sameysteen ciidamada PSF-ta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment