Ra’iisal wasaarihii hore Lesotho Thomas Thabane oo lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa

Bulsha:-  Ra’iisal wasaarihii hore ee Lesotho Thomas Thabane ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay xaaskiisa Lipolelo Thabane sanadkii 2017.

Xaaskiisa hadda, Maesaiah, ayaa sannadkii hore lagu soo oogay dambiyo la mid ah.
Waxaa lagu eedeeyay labadooda in ay shaqaaleysiinayeen dad wax ku dhuftay, xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha balse Labaduba way diideen inay wax lug ah ku leeyihiin.

Mr Thabane ayaa xilka ka dagay bishii May 2020 ka dib bilo cadaadis ah oo saarnaa kadib markii lagu tuhmay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisii.

Arintan ayaa dad badan ka yaabisay, waxayna dhalisay muran siyaasadeed oo ka taagan dalka yar ee aan bad lahayn oo gabi ahaanba uu ku hareereysan yahay Koonfur Afrika.

Eedeymahan ayaa waxaa laga akhriyay qolka guddiga ee maxkamadda sare ee caasimadda, Maseru, halkii laga akhrin lahaa qolka weyn ee maxkamadda, taasoo ah dhaqan caadi ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Lipolelo Thabane 14-kii June 2017 – labo maalmood ka hor inta aan Mr Thabane loo dhaarin xilka ra’iisul wasaaraha.

Markii ay gurigeeda ku soo laabatay, ayaa waxaa lagu soo weeraray, dhowr xabadood oo meel fog laga soo ridey, waxaana ay ku geeriyootay meel wado ah dhinaceeda ah iyadoo 58 sano jir ah.

Xilligaas, Lipolelo waxa ay kala maqnaayeen Mr Thabane oo ay kala tageen ninkeeda tan iyo sanadkii 2012-kii xilligaas oo uu khilaaf soo kala dhex galay.




Hase yeeshee MR Thabane ayaa u soo wareegay xaaska dambe oo iyadana loo haysto inay ku lug lahayd dilka xaaskii hore waxayna is guursadeen kadib labo bilood markii la diley xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment