Rooble oo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika kala hadlay Amniga & doorashooyinka

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee.

Labada mas’uul ayaa waaxa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed, amniga iyo doorashooyinka dalka, balse Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha faah faahin buuxda aysan ka bixin wada-hadalladaas.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ay Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbatay in xiisadda siyaasadeed la dejyo, isla markaana doorashada la dardar geliyo.

Dowladaha taageerada siiya Soomaaliya ayaa culeyso siyaasadeed saaraya Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya six al looga gaaro khilaafyada soo laab laabtay iyo sidii doorashooyinka waqtigooda ugu dhici lahaayeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment