Madaxweynaha Saciid DENI oo soo gaaray Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Rooble

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa madaxweynaha kasoo horeeyay Wafdi hordhac u ahaa, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiisha hab maamuuskiisa iyo Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa hore u shaaciyey in uu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuuna taageero ballaaran u muujiyey Rooble oo ay si weyn isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug iyo HirShabelle oo sida la filayo ayaguna qeyb ka ah shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, oo dib u sixid loogu sameynayo doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Shirkaan ayaa waxa illaa hadda si cad u diiday ka qeyb-galkiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, oo asagu qeyb ka ahaa Golaha Wada-tashiga Qaranka, wuxuuna dhinaca saaray madaxweynihii hore.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, waxaa kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment