Puntland: Waxay Diyaar U Tahay Ka Qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Ee Uu Hogaaminayo Rooble

Bulsha:- Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay si rasmi ah u shaacisay inay diyaar u tahay ka qeyb-galka shirka uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu sheegay inay ka qeyb-galayaan Shirka Golaha ee uu hogaamiyo Rooble, taasi oo ka dhigan inay iska diiday midka uu ku baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Puntland waxay kaloo cadeynaysaa inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa u muuqda mid uu madaxweyne Saciid Deni ku diidan yahay shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha ku eedeyay in uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020.

Puntland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee si rasmi ah u shaaciya in uu raacsan yahay dhanka Rooble, oo uu dagaal adag kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wada abaabulka shir lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.


Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.

Si kastaba, Shirka uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu wax badan ka bedeli doona jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaasi oo ka dhashay hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana dib u sixid lagu sameyn doono qaladaadka jira, si doorashooyinka u noqdaan kuwa daah-furan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment