Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada Nus Dollar Muqdisho ugu dilay Darawal Mooto Bajaaj

Bulsha:- Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada ayaa Darawal Mooto Bajaaj ku dilay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Sababaha dilka ayaa waxaa lagu sheegay in Askariga uu Wadaha Mooto Bajaajka ka dalbaday in uu siiyo lacag dhan Nus Dollar balse uu ka diiday, sidaasina uu ku dilay.

Qaar kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta oo ka careysnaa dilka ayaa dhigay dibadbax, iyaga oo muddo saacado ah xirtay Isgoyska dabka, waxaana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin dilkaas.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sjeegeen inay dibadbaxa sii wadi doonaan ilaa iyo inta cadaalad looga helayo Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay, iyaga oo dalbaday in gacanta lagu soo dhigo Cadaaladana la horgeeyo Askariga dilka geystay.


Dilalka loo geystay Darawalada Mooto Bajaajta ayaa bilihii la soo dhaafay ku yaraaday Magaalada Muqdisho, balse sanadkii 2019-kii ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dilalkii ugu badnaa oo Ciidamada dowladda ay u geysteen wadayaasha Mooto Bajaajta.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment