Meydka nin la dhashay wasiirkii hore soomaaliya oo laga helay wado ku taalla Turkiga

Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya magaalada istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay Baashi Xoosh Jibriil oo caan ka ahaa dalkaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay in koox hubeysan ay toogteen waxaana socda baaritaan booliska turkiga ay wadaan.

Baashi ayaa la dhashay wasiirkii hore ee dastuurka soomaaliya allaha unaxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Qar ka mid ah ehelkiisa ayaa inoo sheegay in 6-dii bishaan oo isniintii isbuucii hore qorshaha uu ahaa inuu ku laabto dalka Canada uu ka yimid balse meydkiisa la helay maalmo la weysanaa oo waxa laga helay halka loo yaqaano Taksiim oo Istanbul ku taalla.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment