Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo loo diiday Fiisaha dalka Mareykanka

Bulsha:- Haweeneyda ugu taajirsan qaarada Afrika Isabel dos Santos, ayaa loo diiday dal ku galka ama fiisaha dalka Mareykanka, waxaana haweeneydan iyo xubno kamid ah qoyskeeda lagu daray liiska dadka aan loo ogoleyn in ay soo galaan Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaana haweeneydan bilyaneerka ah ku dartay liiska dadka laga mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay in ay ku kacday Musuq maasuq taa oo u sahashay in hanti badan hesho.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken, ayaa ku eedeeyay Dos Santos in ay sameesay musuq maasuq weyn, waxa uuna sheegay in ay si xun u isticmaashay hantida bulshada.


Isabel dos Santos, oo 48 sano jir ah ayaa noqotay haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika, waxaana sanado kahor hantideeda lagu qiyaasay lacag gaareysa $3.5bn, waxa ay sidoo kale haweeneydan kamid noqotay dadka duniga ugu hantida badan.


Haweeneydan waxaa dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, haweeneydan ayaana intii xukunka hayay aabaheed la siiyay qandaraasyo waa weyn ay ka sameesay lacago badan waxa ay sidoo kale madax ka aheyd shirkada shidaalka dalkaasi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment