Guddiga Doorashada oo bilaabay Diiwaangelinta Guddiga soo xulyada Ergada

Bulsha:- Guddiga Maamulka Doorashada gobolada waqooyi ee Somaaliland ee SEIT ayaa maanta  diiwangeliyay Guddiga soo xulista ergada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 iyo HOP#229 oo dhawaan Muqdisho lagu dooranayo.

Diiwaan gelinta guddiga Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraastan ayaa timid kadib markii shalay Guddiga doorashada uu shaaciyay liiska oday dhaqameedka iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta.

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaana horey u shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana kuraastan u tartami doona musharaxiin kala duwan.

Doorashooyinkii hore uga qabsoomay magaalada Muqdisho ee lagu doortay dhoor Xildhibaan ayaan loo marin habraacan lagu diiwaan gelanyayo xubnaha odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Xildhibaanada golaha shacabka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment