Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka shiray xaaladda Somalia iyo qorshaha socda

Bulsha:- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Uruka Midowga Africa ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee ay ciidamada dowladda federaalku kuwa AMISOM ugula wareegayaan amniga waddanka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoomka, waxaana Soomaaliya uga qeyb-galay Wasiirfa Difaaca Sanator Xasan Xuseen Xaaji oo khudbad ka jeediyey shirka, taas oo uu ugu hadlay mowqifka dowladda ee kala guurka.

Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya ugu diyaar garoobeen la wareegitaanka amniga dalka,

Sidoo kale waxaa kulanka Midowga Afrika lagu soo qaaday sidii ciidamada Soomaaliya ay u hoggaamin lahaayeen howl-gallada ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda federaalka ah ay soo dhoweyneyso in toos loo wajaho qorshaha kala guurka ah ee AMISOM iyo bixitaankeeda, isaga oo shaaca ka qaaday inay dadaal geliyeen tababarada iyo tayeynta ciidanka qaranka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay haatan ka go’aan tahay xaqiijinta iyo xasilidda amniga dalka oo dhan, ayna laba jibaari doonto dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay dood ka keentay qaabka uu Ururku u wajahayo howl-galkiisa Soomaaliya, maadaama la gaaray, xilligii lasoo gaba-gabeyn lahaa, walow aan weli go’aan dhab ah la gaarin, waxaana soconaya kulamo looga hadlayo bixitaanka AMISOM.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment