Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

Bulsha:- Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Sabtiga iyo Axada ka dhigtay maalmaha fasaxa todobaadka sida reer galbeedka, iyadoo maalinta Jimcaha loo bedelay maalin shaqo.

wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in laga bilaabo sanadka cusub ee 2022-ka, maalmaha Isniinta ilaa Khamiista ay shaqada billaabanayso 7:30 subaxnimo illaa 3:30 galabnimo, iyadoo Jimcaha la shaqeyn doono 7:30 subaxnimo illaa 12:00 duhurnimo.

“Talaabadan waxay barbar socotaa khudbadaha jimcaha iyo salaada jimcaha ee dalka Imaaraadka carabta laga bilaabo 1:15 duhurnimo. Shaqaalaha dawladu waxay yeelan doonaan dabacsanaan ay ku sameeyaan qabanqaabada inay ka shaqeeyaan guriga jimcaha, iyo sidoo kale inay u habeeyaan saacadaha shaqada si ku salaysan wakhti dabacsan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay dowlada.

Dad badan ayaa la yaabay in dal muslim ah oo maalinta jimcaha ka dhigo maalin shaqo, halka maalmaha sabtiga iyo Axada loo bedelay maalmaha rasmiga ah ee fasaxa, si la mid ah dalalka reer galbeedka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment