Daawo:- Maandooriye badan oo lagu qabtay guri kuyaala Muqdisho iyo Cumar Finisho oo…

Bulsha:- Ciidanka booliiska ayaa maanta howlgal gaar ah ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo nuucyo kala duwan isugu jiray, kaa oo lagu diyaarinayay laguna iibinayay guri kuyaala degmada Boondheere.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, ayaa maanta kormeeray howlgalka la dagaalanka ka hortaga Daroogada.

Duqa Muqdisho iyo saraakiisha la socotay ayaana tagay guriga ciidanka amaanka kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri isugu jiray macmal iyo midka caadiga ah.

Ciidamada amaanka ayaana xiray dadkii ku sugnaa guriga lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya, waaxa ay sidoo kale halkaasi ka qaadeen waxyaabaha maanka dooriya ee ciidamada qabteen oo maamulka sheegay in la bur burinayo.

Howlgal kan lamid ah oo shalay ciidamada amaanka ka fuliyeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid ayaa sidoo kale lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya kuwaa oo meel fagaare ah lagu bur buriyay laguina gubay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment