Al-Shabaab oo weerar culus oo dhimasho leh ka fuliyey dalka Kenya + Khasaaraha

Bulsha:- Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar dhimasho leh ka fulisay gobolka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, kaasi oo lala beegsaday ciidamada dalkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo ee gobolka Mandheera, sida ay Al-Shabaab ku sheegeen qoraal lagu baahiyey warbaahintooda.

Waxaa halkaas uu dagaal xooggan ku dhex-maray ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

“Natiijada dagaalka ayaa noqotay in la jabiyo ciidanka Kenya ayna ka cararaan meydadka saddex askari sidoo kalana lagala wareego saanad hub ah,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.

Weerarka kadib ayaa lagu waramay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay fuliyeen duqeymo lala damacsanaa dagaal-yahanada Al-Shabaab, balse waxaa sida la sheegay lala beegsaday xoolo u badan lo’.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in ciidankooda ay dagaal culus kula galeen ciidanka Kenya tuulada Darbo-cadaado ee isla gobolka Mandheera, kadib markii Al-Shabaab ay dhexda u galeen ciidan Kenyaan ah oo 10 Mooto ku roondeynayay si ay xaaladda wadada u qiimeystaan.




Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka weerarkan hase yeeshee faah-faahin badan lagama bixin khasaaraha ka dhashay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment