Biden oo shacabka Mareykanka uga digay halista Omicron

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay bixin doonto ilaa 500 oo milyan oo ah qalabka leysaga baaro COVID-19, taageero ballaaran oo loo fidinayo isbitaallada iyo in la laba laabo dadaallada tallaalka lagula dagaallamo cudurka.

Arrintaan waxay ka danbeysay kaddib marki uu Mareykanka aad ugu baahay nuqulka cusub ee Omicron ee cudurka Covid-19.

Hadal uu ka jeediyay Tallaadadi xarunta Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay, in bilaha jiilalka ee qaboowga ee foodda nagu soo hayo uu xanuunka si aada ah u sii fidi doono, taasoo khatar ku ah buu yiri dadka aanan ka tallaalneyn COVID-19.

Dalalka kale ee caalamka ee uu xanuunka kusii fidayo ayaa waxaa ka mid ah Ingiriiska, iyo qeybo ka mid ah Yurub. Dalalka Germany, Scotland, Ireland, Netherlands iyo South Korea qeyb ahaan ama guud ahaan ayay dalalkoodu kusoo rogeen xayiraadda ka hortagga faafista COVID-19 nuqulkiisa Omicron.




Tan iyo inti uu billowday COVID-19, wuxuu ku dhacay dad ka badan 274 million oo ruux guud ahaan caalamka. Halka dadka uu dilay ay gaarayaan 5.65 million oo ruux.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment