XOG:- Muuqaallo sir ah oo muujiyey dalka hubka badan siinaya dowladda ABIY AHMED

Bulsha:- Sawirro lagu qaaday satellite-ka oo ay heshay Al-Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero militari oo baaxad leh siineyso dowladda Ethiopia ee dagaalka kula jirta mucaaradka Tigray-ga.

Baarayaasha helay sawirrada ayaa isha ku hayey muddo saldhigyo ciidamada cirka ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia, waxayna heleen caddeymaha in ka badan 90 duulimaad oo isaga kala gooshay saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi iyo kan Harar Meda ee koonfurta magaalada Addis Ababa, intii u dhaxeysay September iyo October 2021.

Asalka duulimaadyada badankood ayaa la qariyey ama la geliyey diiwaanka duulimaadyo kale oo caadi ah oo aysan laheyn.

Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, taasi oo sameysay 50 duulimaad iyo mid laga leeyahay Ukraine oo sameysay 30, sida ay ogaatay Al-Jazeera.  

Ma cadda haddii hubkan ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta iyo haddii ay tahay un marin hubka ay marinayaan dowlado kale. 

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed, ayaa iska dhiga inuu yahay nabadeeyaha iyo dhex-dhexaadiyaha Geeska Afrika. Hase yeeshee shaac ka qaadistan ayaa tilmaameysa in Imaaraadka uu taageero xooggan ku siinayo Ethiopia dagaalka ay kula jirto Tigray-ga. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Abiy ay bilihii tegay jab xooggan kala kulantay Tigray-ga oo hadda kusii siqaya caasimadda Addis Ababa, una jira wax ka yar 200 km. 

Mid ka mid ah muuqaallada ay heshay Al-Jazeera oo laga qaaday saldhigga Ethiopia, ayaa muujinaya diyaarad u eg tan Shiinaha ay soo saaraan ee Drone-ka ah ee Wing Loong.  

Dowladda Ethiopia ayaa kordhineysay dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Tigray-ga. Si kastaba, xannibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo illaa iminka. 



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment