Xildhibaan Faaduma Geedi oo ka laabatay dacwaddii xasaasiga aheyd ee ay ka gudbisay xildhibaan Rashiid

Bulsha:- Dacwad ka dhan aheyd xildhibaan Rashid Qaasim oo ah Soomaali laga soo doorto Bariga Wajir oo ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa la baabi’iyey kadib markii xildhibaan Faduma Gedi, oo horey ugu eedeysay inuu feeray ay sheegtay inay cafisay.

Ayada oo ka laabaneysa dacwadda, ayaa xildhibaan Faduma waxay sheegtay inay go’aansatay “inay cafis walalakeed.”

Faduma ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan is gacan qaad dhex-maray ayada iyo Rashid oo ay billaabeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Faduma ayaa sheegtay inay Rashid kala shaqeyn doonto sare u qaadidda midnimada maamulka Wajir, oo labadauba ay baarlamanka Kenya kasoo galeen. Faduma iyo Rashid ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay is-taageeri doonaan hadda kadib.

Xildhibaan Rashid ayaa ayaa uga mahad-celiyey Faduma inay aqbashay cudur daarkiisa.

Garsooraha maxkamadda dacwadda laga furay Martha Nanzushi ayaa kiiska ku calaameysay in laga laabtay.

Rashid ayaa 2019-kii lagu eedeeyey inuu Faduma ku feeray xarunta baarlamanka Kenya ee Nairobi.

Maxkamadda ayaa dhageysatay in xilli barqo ah uu Rashid ku weeraray Faduma halka baabuurta la dhigto ee xarunta baarlamanka uuna dhaawac gaarsiiyey. 


Kahor weerarka Rashid iyo Faduma ayaa la sheegay inay dhex-martay dood kulul.

Dhacdada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo diiwaan-geliyey xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamanka.

Rashid ayaa ka careysnaa in Faduma oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee baarlamanka aysan miisaaniyadda ku darin lacag uu u rabay deegaanka laga soo doorto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment