Xasan Cali Kheyre oo qaaday tallaab ay ka gaabsadeen midowga Musharaxiinta

Bulsha:- Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo intooda badan ku mideysan Golaha Mucaaradka ee Midowga Musharixiinta, ayaa badelay mowqifkoodii doorashada, kadib markii boob iyo jidkooyo lagu billaabay doorashada Golaha Shacabka.

Musharixiintu, waxa ay ka mideysnaayeen in aan la hor istaagin doorashadii boobka ahayd ee Aqalka sare, hayeeshee, waxa ay hadda ku kala aragti duwan yihiin habka ay u billaabatay midda Aqalka hoose.

Mucaaradka intiisa badan, waxa ay ka gaabsadeen u hambalyeynta xubno ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee JFS oo maanta lagu doortay Caasimadda marka laga yimaado Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah siyaasiga kaliya ee miisaanka culus ee ilaa hadda caddeeyay in doorashadu ku billaabatay hab sharci-darro ah, ayaa la yaab ku tilmaamay, in iyadoon liiskii odayaasha dhaqanka la faafin, lana xaraynin, shantii xubnood ee guddiga ahayd ee ergada soo xuli lahaa, ergadiina aan la xulin, la diiwaan galiyo musharixiinta.

“Waxay la mid tahay murashaxiinta xilka madaxweynaha oo haatan la diiwaan geliyey, iyadoo xildhibaanadii la soo dooran. Tan doorasho maaha ee waa rogasho”. Ayuu yiri Warsame.

Madaxweynayaashii hore, [Shariif & Xasan]ayaan ilaa hadda mowqifkoodu caddeeyn, hayeeshee, waxa ay ka gaabsadeen in ay u hambalyeeyaan xubnihii maanta la doortay, waana tallaabo ka duwan dhaqankii hore ee u hambalyeynta xubnaha ku biira Baarlamaanka 11-aad.

Xasan Cali Kheyre, oo ku dhawaad afar sano la shaqeynayay Farmajo, ayaa noqday kaliya musharraxa u tahniyadeeyay xubnaha ku soo baxay kuraasta maanta la doortay.

Kheyre, wuxuu ku sugan yahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ku dhawaad shantii sano ee la soo dhaafay uu ka furnaa buugga siyaasadeed ee Soomaalliya.

Muqdisho-Somalia




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment