Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Cabdicasiis Afrika

Bulsha:- Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin).

Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha.

Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis ayaa yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.”

Waxa uu intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji.    





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment