Uhuru Kenyatta oo digniin ka soo saaray xaaladda amni ee gobalka

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa faray hay’adaha amaanka dalkaasi in ay ‘kor u qaadaan feejignaanta, sababo la xariira xaaladda amniga ee gobolka’

Kenyatta oo la hadlaayay saraakiisha amaanka ayaa ku amray in ay sare u qaadaan tallaabooyinka ammaanka ee dalka sababtoo ah xaaladaha amni ee gobolka ayaa sii xumaanaysa.

Kulan uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka Kenya, Madaxweyne Uhuru Kenyatta “wuxuu ku amray hay’adaha amniga gudaha in ay sare u qaadaan feejignaanta iyo ilaalinta guud ahaan dalka ka dib xaaladda amni ee gobolka,” ayuu afhayeen u hadlay dowladda ku yiri hadal uu soo saaray.

Inkastoo uusan carabaabin Qatarta amni goobaha iyo wadanka ay ka jiraan hadana waxaa xeeldheerayaashu rumaysanyihiin in ay tahay colaadda sii kordheysa ee u dhexeysa dowladda deriska ah ee Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda dagaal ku jirta Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay qaraxyada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan caasimadda Muqdisho.

Warbixin gaar ah oo ay soo saartay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay “deris dhow la tahay qaar ka mid ah dalalka ay dhibaatadu saameysay.

Booliska Kenya, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kenya ay xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya.

Horaantii todobaadkan, dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in abaalmarin lacageed oo dhan $450,000 ay siineyso shan tuhmane oo lala xiriirinaya waxa loogu yeero argagixiso oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayaan weeraro ka dhaca Kenya.

Eedeysanayaasha ayaa ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish/ISIS, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kenya.


Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa faray hay’adaha amaanka dalkaasi in ay ‘kor u qaadaan feejignaanta, sababo la xariira xaaladda amniga ee gobolka’




Kenyatta oo la hadlaayay saraakiisha amaanka ayaa ku amray in ay sare u qaadaan tallaabooyinka ammaanka ee dalka sababtoo ah xaaladaha amni ee gobolka ayaa sii xumaanaysa.

Kulan uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka Kenya, Madaxweyne Uhuru Kenyatta “wuxuu ku amray hay’adaha amniga gudaha in ay sare u qaadaan feejignaanta iyo ilaalinta guud ahaan dalka ka dib xaaladda amni ee gobolka,” ayuu afhayeen u hadlay dowladda ku yiri hadal uu soo saaray.

Inkastoo uusan carabaabin Qatarta amni goobaha iyo wadanka ay ka jiraan hadana waxaa xeeldheerayaashu rumaysanyihiin in ay tahay colaadda sii kordheysa ee u dhexeysa dowladda deriska ah ee Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda dagaal ku jirta Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay qaraxyada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan caasimadda Muqdisho.

Warbixin gaar ah oo ay soo saartay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay “deris dhow la tahay qaar ka mid ah dalalka ay dhibaatadu saameysay.

Booliska Kenya, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kenya ay xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya.

Horaantii todobaadkan, dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in abaalmarin lacageed oo dhan $450,000 ay siineyso shan tuhmane oo lala xiriirinaya waxa loogu yeero argagixiso oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayaan weeraro ka dhaca Kenya.

Eedeysanayaasha ayaa ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish/ISIS, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kenya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment