Rooble oo si rasmi ah u galay xeendaabka FARMAAJO

Bulsha:- Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna ku beddelay agaasimihii madaxtooyada Cabdisaciid Muuse Cali oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu wareysi uu bixiyey ku sheegay in xil ka-qaadistiisa uu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ay isqabteen inkasta oo aanu faah-faahin waxa la isku hayo.

Hadalka Maxamed Cabdirisaaq iyo magacaabista Cabdisaciid waxay labaduba muujinayaan in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu siyaasad ahaan isbeddelay, si toos ahna u galay xeendaabka madaxweyne Farmaajo, waxaana caddeyn u ah laba qodob:

1- Qodobka koowaad waxa uu yahay xil ka-qaadista Maxamed Cabdirisaaq oo ku timid rabitaanka madaxweynaha, oo aanay aheyn mid kasoo go’day ra’iisul wasaaraha, sida uu xaqiijiyey wasiirkii hore. 

Kahor inta aanay labada nin gaarin heshiiska siyaasadeed dhammaadkii 22-kii October way adkeyd in Rooble uu wasiir iska daayee, xitaa agaasime xilka uga qaado rabitaanka Farmaajo, ayada oo labada nin uu ka dhaxeeyey loolan la xiriira xilalka dowladda. 

2- Qodobka labaad waxa uu yahay Rooble oo wasaaraddii ugu sarreysay u dhiibay nin ay xulufo yihiin Farmaajo. Cabdisaciid Muuse waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu dhow Farmaajo, isaga oo soo noqday la-taliyaha amniga qaranka iyo agaasimaha madaxweynaha.

Rooble wuxuu kasoo laabtay xilli ay Farmaajo ku loolamaan magacaabista wasiiro ka hooseeya kan arrimaha dibedda iyo agaasimeyaal, ayada oo aan ognahay loolankii ka dhashay magacaabista xilka agaasimaha NISA iyo wasiirkii amniga.

Ka sokow labadan qodob, Rooble wuxuu horey uga tanaasulay xilkii agaasimaha NISA ee ay isku qabteen Farmaajo, ayada oo meesha laga saaray taliyihii uu magacaabay ee Bashiir Goobe, lana reebay kii Farmaajo Yaasiin Farey.

Heshiiskii 22-ka October ayaa waxaa ku jiray in Farmaajo agaasime cusub usoo magacaabo NISA, taasi oo illaa hadda aan dhicin, una muuqata in Rooble ku qancay in Yaasiin Farey uu xilkaas sii hayo.

Isbedelka weyn ee ku yimid Rooble iyo u hoggaansamidiisa Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay socdaalkii uu ku tegay dalka Qatar 4-tii October, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaas.

Qatar oo ah dowladda garabka ugu weyn siisa Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis xooggan ku saartay Rooble inuu joojiyo khilaafka lana shaqeysto Farmaajo. Wararka ayaa intaas ku daray in aamusin dhaqaale aysan meesha ka marneyn.

Inkasta oo madaxweyne iyo ra’iisul wasaare heshiis wada ah ay u wanaagsan tahay dowladnimada, haddana madax-banaanida siyaasadeed ee Rooble waxay xal iyo difaac u aheyd tacaddiyo badan oo laga tirsanayey madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka Rooble waxaa ugu horreeyey oo cawaaqibkiisa dareemay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo caawa lasoo geba-gebeeyey rajadii ay ka qabeen in gabadhooda caddaalad ay hesho kadib markii Rooble uu is-dhiibay. Balse ma noqon doonaan kuwii ugu dambeeyey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment