Mareykanka: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar baabuur ah oo lagu qaaday xaflad ciidda kirishtanka ah

Bulsha:- Baabuur SUV ah oo xowli ku socda ayaa habeenkii Axadda jiiray dad ka qeyb-galayey munaasabad ka dhacday magaalada Waukesha ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, waxaana halkaas ku dhintay dhowr qof, ayada oo in ka badan 20 ay dhaawacmeen. 

Munaasabadda ayaa waxaa loogu dabaal-degayey billowga xilliga ciidda kirishtanka ee sanadka 2021.

Madaxa booliska magaalada Waukesha, Daneil Thompson ayaa sheegay in la xiray qof la tuhunsan yahay inuu baabuurka waday.

Waxa uu intaas ku daray inuusan garaneyn tirada rasmiga ah ee dadka dhintay balse ay yihiin dhowr.

Qaar ka mid ah dadka baabuurkiisa la jiirsiiyey ayaa ah caruur ah, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca dhowr ka mid ah. 

“Maanta bulshadeena waxay wajaheen musiibo iyo argagax halkii ay ka noqon laheyd maalin dabaal-deg,” waxaa sidas yiri duqa magaalada Waukesha, Shawn Reilly. 

Tom Hickey oo ah 25 jir waddada socday markii weerarka uu dhacay ayaa sheegay inuu maqlay hoonka gaariga oo gadaashiisa ka imanaya. 

“Waxaan u qaatay inuu ahaa darawal lumay, balse kadib waxa uu gaarigii u weeciyey dhanka dad dabaal-degayey, wuxuuna sare u qaaday xawaaraha oo uu gaarsiiyey heerkii ugu sarreeyey kadibna jiirsiiyey,” ayuu yiri Hickey.


Hickey waxa uu sidoo kale sheegay inuu maqlay ugu yaraan shan rasaas. Thompson ayaa sheegay in sarkaal ka mid ah booliska uu riday rasaasta. Ma jirto cid waxa ku noqotay.  

Weli ma cadda haddii ficilkan uu yahay mid argagixiso iyo haddii kale, waxaana weli baaritaan ku wada booliska. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment