Mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku dhawaaqay in uu ku biirayo dagaalka Itoobiya

Bulsha:- Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

“Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee sheega in uu ka qeyb galayo dagaalka Itoobiya, balse ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ka qyeb galay dagaalka ka socda Itoobiya.

Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa todobaadyo ka hor sheegay in howlgal ay KA sameeyeen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ay kusoo qabteen Soomaali la Shaqeeyneysay Kooxda TPLF.

Tallaabadaan mas’uulka Soomaaliga ah uu ku sheegay in uu ku biirayo dagaalka Itoobiya ayaa kusoo aadeysa xilli Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrselassie uu shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhadda ka dagaallanta gobolka Tigray.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment