Madaxweyne Biden oo fasaxay isticmaalka keydka shidaalka Mareykanka

Bulsha:- Lix waddan oo uu Mareykanka ku jiro ayaa Talaadadi sheegay in ay qorsheynayaan in ay u dhacaan keydadkooda shidaalka, si hoos loogu dhigo sicirka gaaska iyo naftada ee dalalkaas oo hadda sarreeya.

Aqalla Cad ayaa sheegay in bisha soo socota ee December ilaa April 2022-ka ay dowladda Mareykanku u fasixi doono dhammaan 50-ka gobol 50 milyan oo fuusto oo shidaal ah, kuwaas oo laga soo saari doono keydka shidaalka Mareykanka oo ay hadda ku jiraan shidaal gaaraya 621 milyan oo barmiil.

Hadal uu Talaadadi ka jeediyay Aqalka Cad, ayuu madaxweyne Joe Biden ku sheegay, in soo saarista shidaalkaasi uu noqon doono kii ugu badnaa ee laga soo qaado keydka Mareykanka, balse ay wakhti qaadan doonto in gaadiidleydu ay hoos u dhaca gaaska ka dareemaan kaalimaha shidaalka.

Qiimaha shidaalka Mareykanka ayaa hadda maraya hal litar 3 dollar iyo sided cent, taas oo noqotay qiimo kororkii ugu badnaa tan iyo sannadkii 2014-ta.

Dalalka Ingiriiska, Hindiya, Shiinaha, Kuuriyada Koofureed iyo Japan ayaa iyaguna sheegay in ay fasixi doonaan qeybo ka mid ah keydadkooda shidaalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment