Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen oo qarka u saaran inay qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Marib

Bulsha:- Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Marib, ayada oo ciidamada taageersan dowladda ay diyaarinayaan difaacoodii ugu adkaa.

Haddii Marib, oo ku taal gobol qani ku ah gaaska, ay u gacan gasho Xuutiyiinta, waxay dhabarjab weyn ku noqon doontaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ku jira kooxdan ay Iran taageerto.

Afhayeen militari oo u hadlay Xuutiyiinta, Yahia Sarea ayaa Talaadadii sheegay inay qabsadeen degmooyinka Al-Jubah iyo Jabal Murad oo ka tirsan Marib.

Tani waxay ka dambeysay markii ay bishii tagtay sidoo kale qabsadeen degmada muhiimka al-Badiyah.

“Mujaahidiinta waxay kusii siqayaan inay qabsadaan magaalada Marib,” ayuu yiri Yahia.

Xuutiyiinta ayaa hadda gacanta ku haya inta badan degmooyinka Marib, oo ah gobolka kaliya ee gaaska soo saara ee Yemen.

Dhulalka ay Xuutiyiinta ka qabsadeen Marib iyo gobolka shidaalk qaniga ku ah ee Shabwa ee koonfurta, ayaa imaneysa ayada oo ciidamada xulufada ay duqeymo xooggan ka fulinayaan magaalada, kuwaasi oo dagaal-yahano badan lagu dilay balse sidoo kale ay shacab ku dhinteen.

“In Xuutiyiinta ay gacanta ku wada dhigaan Marib waxaa naga xiga oo kaliya waqti, inkasta oo ay qaadan karto bilo, haddii aysan ciidamada dowladda helib hub tayo wanaagsan, islamarkaana xulufada aysan xalin khilaafka u dhaxeeya,” waxaa sidaas yiri Maysaa Shuja Al-Deen oo ka tirsan Xarunta Istaraatiijiyadda ee Sanca.


Ciidamada dowladda waxay sheegeen inaysan isdhiibi doonin, waxayna qoteen dhufeyso badan ayaga oo sidoo kalena sameeyeen jidgooyooyin.

Marib ayaa ku taalla bariga magaalada Sanca, oo Xuutiyiinta ay qabsadeen 2014 ayada iyo inta badan waqooyiga Yemen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment