Jurgen Klopp oo Edinson Cavani ka doonay inuu ku soo biiro Liverpool xagaagan.

Bulsha:- Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayay in uu keeno xiddiga kooxda Man United ee Edinson Cavani suuqii ugu danbeeyay.

Inkastoo uu door muhiim ah u ciyaaray Red Devils xilli ciyaareedkii 2020-21, xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Koonfurta Ameerika intii lagu jiray suuqii ugu danbeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ugu danbeyn siisay Cavani 12 bilood oo dheeri ah, laakiin 34-sano jirkaan ayaa ku adkeyd inuu ciyaaro xilli ciyaareedkan dhaawacyo dartiis.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Klopp ayaa si dhow ula socday xaalada Cavani ee Man United, waxaana uu rajeynayay inuu ku qanciyo weeraryahanka inuu u dhaqaaqo Merseyside ka hor inta uusan saxiixin heshiisla labaad Red Devils.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Cavani uu ku riixi doono bixitaankiisa bisha Janaayo, inkastoo Barcelona ay ka war heyso suurtagalnimada saxiixa xiddigii hore ee Paris Saint-Germain.




Cavani ayaa dhaliyay kaliya hal gool 8 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu ku faanay wadar ahaan 18 gool oo uu dhaliyay 47 kulan oo uu u saftay Man United.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment