Indho-Cade:- oo ka hadlay dilkii ay alshabaab u geeysteen Agaasimihii Radio Mogadishu Afrika.

Bulsha:-  General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) oo maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho uga qeyb galay aaska Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), ayaa sheegay in argagixisada ay daba taagneyd marxuumka.

General Indh-Cade ayaa ugu horeyntii si tiiraanyo leh uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

“Qof dili kara qof oo wax u dhimi kara ma jirto. Cabdicasiis haddii uu taladooda ku dhimanayo 2012 ma soo dhaafeen, laakiin Ilaahay ayaa oofsaday, qofkii sababsadayna wixii dembi uu lahaa ayuu xambaaray,” ayuu yiri Indha-Cade.

Indha-Cade ayaa sheegay in Cabdicasiis Afrika uu ahaa sida wiilkiisa oo kale, ayna khaarajiyeen niman uu ku tilmaamay Diin laa-waayal dil ugu wada xukuman yihiin dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, howl-wadeenadeeda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Kuligeen ayaa u wada xukuman nimkaas, runtu waxay tahay waa wada xukumanahe nimanka ma iska dhicina, Cabdicasiis waa tagay mise sidiisa sugna oo kolba qof lagu soo booda,” ayuu yiri General Yuusuf Indha-Cade.

“Markii uu dhacay Zoobe (qaraxii) umadda Soomaaliyeed waa kacday, keliya waxay rabtay in la hor-kaco, waxaa loo baahan yahay dowlad hogaamisa umadda, dadku iskama didi karo.”


Waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab oo ayagu gumaad ku haya umadda Soomaaliyeed, islamarkaana si gaar ah u beegsada mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka muhiimka ah.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment