Guddiga xalinta khilaafaadka:- oo hakiyey kursigii uu ‘ku guuleystay’ Yaasiin Farey

Bulsha:- Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067, kaas oo uu Khamiistii ku soo baxay agaasimaha KMG ah ee hay’adda nabad-sugida Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, isla-markaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

“Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kursi Lumber HOP#067,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga xallinta.

Sidoo kale guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan rasmi ah uu ka gaarayo dacwadda, wuxuuna soo jeediyey in maanta laga bilaabo la hakiyo ku dhowaaqista natiijada.

“Haddaba guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo gudanaayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaaa guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#067 laga bilaabo 28/11/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa markale lagu yiri warqadda guddiga.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qaadista dacwadda ay socon doonto muddo todobo cisho oo maanta ka bilaabeyso, iyada oo la faray dhinacyada dacwadda gudbiyey in 24 saac gudahood ay ku soo dhammeystiraan eedeymahooda.

Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ka dalbaday guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee Galmudug inuu kala shaqeeyo dacwaddan, si loo helo xog dhammeystiraan oo ku aadan dacwadda laga soo gudbiyey kursi lambar HOP#067.

Kursigan oo Khamiis la soo dhaafay loo doortay Yaasiin Farey ayaa waxaa ka taagnaa cabasho ka timid mushariixinta qaar ee kursigaas iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha oo Galmudug iyo Villa Soomaaliya ku eedeeyey inay si wadajir ah ‘u boobeen’ kursigaas.


Si kastaba, guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa horay u qabtay dacwo tan la mid ah, taas oo laga geeyey kursigii uu ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ugu dambeyntii guddigu kursigaas u meel mariyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment