Ergada Kursiga Jawaari Oo La Xareeyay

Bulsha:- Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed lagu qabanaya doorashada afar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Baydhabo,

Kuraasta saaka doorashadoodu ay dhaceyso ayaa waxa ay kala yihiin:

1:HOP#103

2:HOP#41

3:HOP#42

4:HOP#189

Kuraastan oo hadda ergadoodu ay diyaar ku yihiin hoolka doorashada ayaa waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku kala fadhiyay xildhiibanada kale ah:

HOP#189: Kursigaan ayaa isna waxaa Koonfur galbeed ku matalayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur, hadana ka mid ah musharixiinta u taagan markale in ay Koonfur galbeed ku matalaan kursigaan.

HOP#41: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar, kaas oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanki 10-aad ee dalka.

HOP#42: Kursigaan afaraad ee doorashadiisu maanta dhaceyso ayaa isna waxaa koonfur galbeed ku matalayay afari sano ee la so dhaafay xildhibaanad Hani Maxamed Aadan .

HOP#103: waxaa afarti sano ee la soo dhaafay dowlad gobaleedka koonfur galbeed ugu fadhiyay xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari sidoo kalena ahaa guddoomiyiihii baarlamaanka golaha shacabka.

Kursigaan oo uu horay Prof Jawaari ugu fadhiyay ayaa waxaa hareeyay muran fara badan kadib markii loo diiday in uu markale u tartami xildhibaanka, xilli shalay guddiga doorashooyinka heer federaal ay u shaaciyeen in ay joojiyeen doorashada kursigaan, iyadoo guddiga koonfur galbeed ee doorashooyinka ay sheegen in guddiga FEIT aysan xaq u laheyn joojinta doorashada kursigaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment