Erdogan iyo Bin Zayedka Imaaraadka oo heshiis galay kadib sanado loolan iyo xifaaltan ah

Bulsha:- Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar, oo ay qeyb ka yihiin taknoolajiyadda iyo tamarta kadib sanado ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeysay labada dal.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara kadib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo toban sano ah, ayaa timid ayada oo labada dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkey, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkey ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey.

Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sanado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sano kahor.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo miro-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, la yeeshay Erdogan

“Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horumarineed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. 

Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameynayaan Turkey. 


Turkey oo xiisad ay kala dhaxeysay dalal badan oo ka mid ah kuwa Bariga Dhexe ayaa bilihii tegay billowday dadaallo ay ku abuureyso xiriir wanaagsan, ayada oo wada-hadallo la furtay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment