Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Bulsha:-   Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Galmudug.

labo kursi oo kala ah HOP#067, iyo HOP#43 ayaa u muuqda kuwo aan lagu geli doonin tartan xoogan, iyada oo mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka muran uu ka taagan yahay.

labada kursi ayaa waxaa horay uga kala fadhiyay Xuseen Iidow iyo Cadow Cali Gees,waxaana kursiga HOP#067 ku tartamaya Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey, Janeraal Gacmadulle iyo musharax kale.

Halka kursiga HOP#43 ay ku tartamayaan Xuseen Iidoow iyo musharax uu isaga wato, iyada oo la filayo in uu ku guuleysto Xuseen Iidow.

Kursiga HOP#067 ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagn3yd cabasho, iyada oo musharrixiin uu kamid yahay taliyihii hore ee NISA Cbadiraxmaan Tuuryare ay sheegeen in laga hor istaagay u tartamid kursigaas, isla markaana Ergada laga dhigtay Ciidamo iyo dad aan Soomaali aheyn.


Galmudug ayaa qorsheysay qabashada Shan kursi oo laba kamid ah shalay la doortay, halka Maanta laba kale la dooranayo, wuxuuna Maamulka Galmudug uu noqday Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment