Dowlada Soomaaliya oo soo bandhigtay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay

Bulsha:-  Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sargaalkaasi soo bandhigay saraakiisha ciidanka uu isku dhiibay.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in Maxamed Xasan Macalin uu Al Shabaab u qaabilsanaa Maxkamada degmada Kuntuwaarey, waxa ayna Wakaalada sheegtay in sargaalkan dadka ka qaadi jiray lacago baad ah.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa warbaahinta dowlada sheegtay in shacabka degmada Kuntuwaarey horey ugu hayay dhibaatooyin badan uuna ku baadi jiray sida ay tilmaameen magaca diinta Islaamka.


Dowlada ayaa dhawaan sidan oo kale usoo bandhigtay nin katirsanaa Al Shabaab oo isna sheegeen in uu kasoo goostay Al Shabaab, waxaana horey marar badan dowlada usoo bandhigtay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment