Sawiro: Faahfaahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Bulsha:-  Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaallaan ganacsi kala duwan.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray.

Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa la sheegay inay Maqaayadda aheyd mid aad u mashquulsan isla markaasna ay ku sugnaayeen dad badan maadaama ay aheyd xilligii Qadada.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment