Daawo Sawirada:- Buuq ku dhax sameeyay xarunta Golaha Shacabka

Bulsha:- Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya oo saakay xaadiray xarunta golaha oo lagu balansanaa in uu ka furmo kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga 5-aad ee golaha Shacabka ayaa xarunta ku dhax sameeyay buuq.

Xildhibaanadan ayaa u badnaa kuwa ka careesnaa in ajandaha kulanka laga dhigo dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka, waxa ayna Xildhibaanada doonayeen in ajandaha noqdo mid looga doodo xaalada amaan ee Caasimada.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa gudaha xarunta la galay Warqado ay ku muujinayeen cabashadooda, waxa ayna xarunta kuso bandhigeen Warqado lagu oo qoray ”Golaha shacabka Waa wakiiladii iyo codkii shacabka la xasuuqayo”

Buuqa ay Xildhibaanada ka dhax sameeyeen xarunta golaha shacabka ayaa si weyn looga dareemay xarunta Golaha, waxaana sawirro laga soo qaaday Xildhibaanada qaar lagu baahiyay baraha bulshada.

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda in ajando kale kulanka la keeno xili xaamada amaan ee dalka uu sii xumaanayo gaar ahaan caasimada Muqdisho ay sheegeen in lagu leenayo dadka ay u dhaarteen ee shacabka ah.
Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ayaa markii dambe lagu kala tagay kadib markii uu kooram la’aan u buuxsami waayay, waxaana kulanka aan imaan Xildhibaano badan oo qaarkood katirsan yihiin Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay noqday mid faraha kasii baxayay, waxa ayna Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood doonayaan in xaalada amni laga doodo ayna timaado isla xisaabtan dhab ah.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment