Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax saakay ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,kaas oo geystay Khasaaro kala duwan.
Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo xiray Gaari noociisu ahaa Hilux’s ,waxaana uu ku qarxay inta u dhaxeysa Black Sea iyo Xaafadda NBC degmada Hodan,isla markaana waxaa gaarigaas lahaa Jaamacadda SIMAD oo kamid ah Jamaacadaha ku yaalla dalka.
Ugu yaraan laba ruux oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD ayaa qaraxaas ku dhaawacmay, waxaana loo qaaday goobaha Caafimaadka ee Magaalada si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyagoona xiray halkaas,hayeeshee markii dambe dib ayay u fureen.
Qaraxaan Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Black Sea iyo Xaafadda MBC degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu kusoo aadayaa ,iyadoo Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho xiran yihiin.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment